Saturday 26 January 2019

Siyaasiyiin aan horay Muqdisho isugu arki jirin oo hal madal isugu Tagaya


Siyaasiyiin aan Horay isugu Arki Jirin Muqdisho oo Hal Madal Isugu Tagi Doona
 Freelance Journalist  Uncategorized
 January 26, 2019 1 Minute
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ku wajahan magaalada Garoowe, halkaas oo ay uga sii horreeyaan qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ugu awoodda badan.
Wafdi hor dhac u ahaa safarka madaxweynaha, oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa shalay gaaray magaalada Garoowe ee xarunta u ah maamul goboleedka Puntland.
Farmaajo ayaa caawa xaadiri doona madasha ay ku sugan yihiin hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee sida weyn uga soo horjeeda maamulkiisa, iyagoo ka wada qeyb galaya munaasabadda caleema saarka madaxweynaha cusub ee Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.
Hoolka ay ka dhaceyso xafladda ayey si fool-ka-fool ah isugu muuqan doonaan siyaasiyiin mug weyn leh oo aan horay isugu arki karin magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay gaaray magaalada Garoowe, waxaana isaga iyo wafdigiisa si diirran u soo dhaweeyay madaxweyne Deni, oo garoonka diyaaradaha uga hor tagay.
Xasan Sheekh oo u muuqday inuu si weyn u daneynayo munaasabaddan ayaa lasoo tabiyay inuu hor kacayay 30 xubnood oo ka tirsan xisbigiisa siyaasadeed.
Siyaasiyiinta kale ee saameynta leh waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo saaka u ambabaxay magaalada Garoowe.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah mucaaradka ugu cad cad ee dowladda Soonaaliya ka soo horjeeda ayaa ku sugan Garowe, wuxuuna ka qeyb galayaa xafladda, iyadoo ay halkaas ku sugan yihiin xubno badan oo ka tirsan xisbigiisa.
Dadka u dhuun daloola arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa si weyn u xiiseynaya muuqaalka laga dheehan karo marka ay siyaasiyiinta aan isa salaamin caawa isugu tagaan xafladda caleema saarka Siciid Deni.
Lama xaqiijinin in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu halkaas tagi doono iyo in kale.
8-dii bishan Janaayo ayaa Siciid Cabdullaahi Deni lagu doortay doorasho lagu tilmaamay mid caddaalad ah oo ka dhacday magaalada Garoowe ee saldhiga u ah maamulka Puntland.
Tan iyo markii uu xilkaas ku guuleystay waxaa waji cusub yeeshay siyaasadda Soomaaliya, iyadoo garab kasta uu u muuqdo inuu u xusul duubayo sidii uu xiriir wanaagsan ula yeelan lahaa maamulka cusub ee la wareegay majaraha dowlad goboleedka Punland.
http://bbcnewssomali.blogspot.com https://bbcsomalinews.wordpress.com
Cali M Gaaboow